20 Arrimood oo u Khaas ah Madaxweynaha Maraykanka iyo Ninka kula Tartamaaya Jagada Madaxweyne

London(SLpost)Madaxweyne Obama oo waqtigan ay loolan adag oo dhinaca jagada Madaxweynenimo kula jira Mitt Romney ayaa labadooduba waxay leeyihiin waxyaabo u khaas ah oo dadku aanay badankoodu kalal socon.

Haddaba, waxaynu mid kasta ka soo qaadan doona 20 arrimood oo qofka ka barta ku filaan karto inuu wax badan ka ogaado masuuliyiintan doorashadooda adduunku si fiican ula socoto, isla markaana u taliya dawladaha ku amar ku taagleeyaha caalamka.

Ugu horraynayn waxaynu soo qaadan doona madaxweyne Barack Obama oo dadku wax badan ka yaqaanno.

1. Waxa uu ururin jiray qalab la yidha Spider-Man iyo Conan oo uu geyn jiray meelaha kartoonada lagu ururiyo oo la yidha Barbarian Comics.

2. Waxaana lagu naanaysi jiray markii uu dugsiga sare dhigan jiray ?O?Bomber? taasoo uu kula baxay isagoo khibrad badan u laha kubbadda kolayga.

3. Magaciisu sawaaxili ahaan macnahiisu waa ?kii barakaysnaa

4. Waxa uu sannadkii 2006 ku guulaystay biladda la yidha Grammy, isagoo ku qaatay cod taariikhdiisa ah oo duubay iyo buugga la yidha Dreams From May Father (Riyadii aabbahay).

5. Obama waa nin guran, waana Madaxweynihii lixaad ee isagoo guran qabsada dalka Maraykanka

6. Waxa uu si gaar ah u leeyahay galoofisyo badan oo cascas oo kuwa feedhka lagu ciyaaro ah, kuwaasoo uu ka qaatay feedhyahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali

7. Waxa uu Ice Cream ku iibin jiray dukaanka la yidhaa Baskin-Robbins waqtigii uu dhallinyarada ahaa, balse waqtigan waxa uu u neceb yahay ag istaagi goobaha Ice Cream-ka

8. Waxa uu cuni jiray markii uu Indonesia ku noola hilibka Eyda, Maska iyo jiriqaaqa la dubay

9. Waxa uu xaaskiisa Michelle u ballanqaaday inuu joojinaayo cabiska sigaarka, ka hor inta aannu madaxweynaha noqon, balse muu joojin

10. Waxa uu lahaa markii uu ku noola Indonesia daanyeer yar magaciisa la odhan jiray Tata?la soco astaamaha dambe ee Obama iyo kuwa Mitt Romney.

 

Somaliland Post.Net