Weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo si weyn loogu Qaabiley Aqalka Baarlamanka Ingiriiska ee West Minister iyo Natiijada Kulan Dhexmaray

SAWIR2-300x224London (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahanba socdaal ku jooga magaalada London ee Dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu qaabiley Aqalka Baarlamanka West Minister.

Madaxweyne ku  xigeenka waxa ku wehelineyey kulankan Wasiirrada Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, Ganacisiga Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Md Maxamed Kaahin Axmed, Safiirka Somaliland ee UK Md Cali Adan Cawale, La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Haweenka Maro Amaal X. Axmed Miisaan iyo La taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha dhaqaalaha Md Axmed Xasan Carwo.

Sidoo kale Waxaa Madashaasi ku sugna Xubno ka tirsan golaha baarlamaanka UK, shaqaale ka Mid ah wasaaradda Arrimaha Dibedda UK, khubaro sare iyo qaar ka mid ah saxaafadda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa si ballaadhan ugaga warramay ujeeddada socdaalkiisa iyo xaaladda guud ee Jamhuriyadda Somaliland,waxaanu Tilmaamay inuu dalka Ingiriiska Muddadii uu Joogay uu kala qayb galay Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska Xuska Munaasibadii 18 May ee 22 Guuradii ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa kulanka daadihinayey Mudane Sir Tony Baldry MP oo ah guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka UK ee taageera qaddiyadda Somaliland.

weftiga21Is-xogwaraysi iyo faahfaahinta ujeeddada Socdaalka Weftiga ka dib,  mudaneyaashii baarlamanka ee madasha ku sugnaa iyo kasoo-qayb galayaashii halkaa ku sugnaa  waxa ay su’aalo arrimaha Somaliland khuseeya weydiiyeen madaxweyne ku Xigeenka iyo xubnaha Weftiga ku wehelinayey socdaalka, waxaanay dhammaantood si faahfaahsan uga war-bixiyeen xaaladda siyaasadeed iyo horumarineed ee Somaliland oo dhammaan su’aalaha la weydiiyey nuxurkoodu ku koobnaa.

Somalilandpost.net

London/UK