1634 Ruux Ayaa Dil lagu Xukumay Sanadkii Tagay Sida Ay Sheegtay Haayada Amnesty International

Us(Slpost)-Hayada xuquuqda bini’aadanka ee Amnesty International, ayaa sheegtay inay jireen xukun dil badan oo la diiwaan galiyay sanadkii hore. Ugu yaraan 1,634 oo Shiinuhu uusan ku jirin. Waa tiradii ugu badanayd ee sanad la dilo in kabadan labaatan iyo shan sano.

Iran, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ayaa laga fuliyay xukunka dilka intiisa badan.

Sanadkii hore, tirada dadka xukunka dilka lagu fuliyay ee Amnesty International ay diiwaan gelisay waxay sare u kacday in ka badan boqolkiiba konton, marka la barbardhigo sanadkii kaas ka horreeyay oo ahaa kii ugu sarreeyay taariikhda laga soo bilaabo 1989-kii.

Tiradan kuma jiro waddanka Shiinaha oo la rumaysan inuu fuliyay xukunno dil ah oo ka badan waddan kasta laakiin aan tafaasiisha si caddaan ah loo soo bandhigin.

Iran waxay xukun dil ah ku fulisay ku dhowaad kun qof, kuwaas oo intooda badan lagu helay dembiyo la xiriira mukhaadaraad, oo ay ku jiraan ugu yaraan afar la xukumay iyagoo carruur ah.

Pakistan waxay xukunka dilka ku fulisay 320 qof taas oo ah tiradii ugu sarreysay ee Amnesty International ay abid dalkaas ka diiwaan geliso. Waddanka Sacuudigana, tirada dadka xukunka dilka lagu fuliyay waxay sare u kacday afar meelood saddex, iyadoo dalkaas lagu dilay dad ka badan 150 qof.