SHIRKA MIDEYNTA SOMALILAND IYO SOMALIYA

SHIRKA MIDEYNTA SOMALILAND IYO SOMALIYA

QORMADII LIIBAAN XAJI FAGADHE 03/04/2013

 

 

HADBA GEED ISMARISBAA UHADHA, GUUL DAD LEEYAHAYE 

MIYAAN GEEDI-BAABOO ARLADU , GELINBA WAAYEYNIN.

 

Akhristayaasha qiimaha iyo qadarinta  mudanow, ha qayayaabin, ha qoomamoonin, hana qaracmin kolkaad deymooto cinwaanka qormadu sida uu u qoran yahey wuxuu qeexayaa qolqolkey  gogoshu taalo iyo qoomka Turkigu sidey u qiimeeyeen kulankan lagu dhawaaqey ee u dhaxeyn doona Somaliland iyo Somaliya.

Farqiga u dhaxeeya  dhexdhexaadin  iyo heshiisiin/midayn:

Dhexdhexaadin  waxay timaadaa kolka cid is heysa ay qolo sadexaad oo labada dhinacba dhex u ah (cida is heysaa ay ku kalsoonyihiin labadooduba in aanu dhinacna  u xaglineynin) ay isu soo dhaweyntooda , isfahamkooda iyo is afgarashadoodaba ka dhex wado. Akhriste miisankan markaad halbeeg ka dhigatid bal hada ku dhugo oo ku dhuux adoo gorfeynaya warkii ay ku baahiyeen dawlada Turkigu mareegteeda arimaha dibadu ka dib booqashadii dhawaan madaxweynaha Somaliland uu  ku tagey dalka Turkiga  (Emphasizing Turkey’s commitment to the integrity of Somalia, Foreign Minister DavutoÄŸlu expressed that Turkey would continue to support for the reconciliation, stability, prosperity and development of Somali people) oo macneheedu yahey wuxuu ku nuux nuuxsadey wasiirka arimaha dibada ee dalka Turkigu inay nidar ku galeen oo ay ka go’an tahey is raacsanaanta, wadajirka iyo midnimada  dhuleed, daddeed, dowladeed ee dalkii haligmay ee la odhan jirey jamhuuriyada Soomaaliyeed(Somali Republic). Akhriste kolkaad masaladan furfurtid adigoo qaacidadan sare isticmaalaya maxsuulka kuusoo baxayaa ma noqonayo dhexdhexaadin, sababtoo ah siidhi-waluhu ciyaarta horteed ayuu ku tiraabey tiiyoo badhax-tiran inuu dhinac yahey isla markaana la ujeedo yahey cadowgeenii aynu is-hayney(Cadowgeena walaalkiina  waa cadowgeena) http://www.mfa.gov.tr/foreign-minister-davutoglu-stresses-that-turkey-will-continue-to-support-somalia.en.mfa

Midnimo ama Heshiisiin/Dib u heshiisiin

Heshiisiin/Dib u heshiisiin waxay timaadaa kolka sulux laga dhex wado laba geesood ama laba dhinac oo isku dhacey oo cid nasteexo u ah labada qolo oo labadooduba u arkaan nasteexo ay isku soo jiideyso kana dhex-saareyso xurguftii , dhibaatadii iyo qardoofooyinkii ku kala dhex dhacey waana sida Turkiga iyo Somaliyaba u wadaan howshan iyadoon mugdi iyo mad madow toona  ku jirin.

Hilib iyo hadalba kala qalane danteenu miyeey ku jirtaa arinkaa aan caadba saarneyn, waase yaabe nimankeynu igmaney ee shaqaalaheena ah maxaa dhayda ka lisey, maxey iskugu dayayaan iney CADAWGA inoogu hadoodilaan, dhaw-dhawdu yaa yidhi umay dhicin Xaajiga weli.

 

Gaba gabadii  akhriste uma baahnid cilmi baadhis xeel dheer inaad ku ogaato xaqiiqadan aawan ee horteena taala , cadceedana Madaxweynaha Somaliland/Wasiirkiisa arimaha dibada iyo dhowr qof oo kale toona sacabkoodu  ma qarin karo.

 

TUUGU WUU IS QARIYAA

HALKA UU KA XADO TULLUD

TAHAN BUU KA GUURAA

TODOBAADKAN XAAJI IYO

KU TIRIIG SITAA YIMID

TU WALIBA YAAB LEHE

MA TURKIBAA MAHDIYA.

Guul ALLAH

Dhamaad