140 Qof Ayaa Lagu Dilay Rabshadii Ethiopia

WASHINGTON DC(SLpost)-Koox u ololeysa xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ciidamada amamanka Ethiopia ay ugu yaraan 140 qof ku dileen gobolka Oromada intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.

B2F8B85A-72D0-41A2-A125-A5941670064A_w640_r1_sHuman Rights Watch, ayaa jimcaha sheegtay in sidoo kale dad intaas ka badan lagu dhaawacay rabshadahan oo ay ugu yeertay “Xasaradihii ugu weynaa ee ka dhaca Ethiopia, tan iyo rabshadaha doorashadii 2005”.

Qiyaastan cusub oo ay bixisay hay’addan ayaa laba jabaar ka badan tii laga soo weriyey bishii tagtay.Dowladda Ethiopia waxa ay qiratay kaliya dhimashada shan qof, tan iyo markii rabshadaha ay billowdeen bishii November ee sanadkan.

Afhayeenka Human Rights Watch, Felix Horne ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay dibadbaxayaasha iyo siyaasiyiinta mucaaradka kula dhaqmayaan “gacan bir ah”, ayaga oo xidhay hab kasta oo ay si aan rabshad lahayn ugu muujin lahaayeen fikirkooda.

Dibad baxayaasha ayaa ka banaanbaxaya qorshe dowladda Ethiopia ay dooneyso in dhul beereed ku yaalla duleedka Addis-Ababa, ay ugu ballaadhiso caasimadda, oo ay ka dhigto aag ganacsi.