13 Qof oo u Dhintay Abaaro ka Jira Somaliland

 

Hargeysa(SLpost)-llaa 19 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo ururo samafal ayaa qaylo dhaan ka soo saaray abaaro ka jira Somaliland oo saameeyey illaa 240,000 oo qof, halka abaarahaas ay u dhinteen illaa 13 qof.

Dallad ay ku bahoobeen hay’adaha caalamiga ah ee hawlgala Somaliland iyo Guud ahaan Soomaaliya oo ay wehelinayaan ururo samafal oo gudaha ah ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray abaartaas, waxayna hay’adahani sheegeen in gobollada ay sida weyn abaartaasi u taabatay ay ka mid yihiin gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Gebilay, kuwaas oo ah gobollada saldhigga u ah dhinaca waxsoosaarka. Sidoo kale abaartani meelaha kale ee ay sida aadka ah u saamaysay waxaa ku jira gobollada Salal iyo Saaxil.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen hay’adaha samafalka caalamiga ah ayay ku sheegeen in abaartan oo ka dhalatay roobyaraan ay keentay inuu hoos u dhaco waxsoosaarkii dhinaca beeraha, isla markaana ay abuurtay biyo yaraan iyo dhimashada xoolaha oo soo foodsaartay bulshada ku dhaqan gobolladaas.

Arrimaha kale ee warsaxaafadeedkan lagu sheegay ayay ku jiraan in dadka abaaruhu saameeyeen ay haysato nafaqa darro meel sare maraysa, taas oo taabatay caruurta iyo weliba dadka waayeelka ah ee nugul.

Sida ay sheegtay hay’adda badbaadada caruurta ee Save the Children, xaaladda nafaqa darro ee haysata caruurta da’doodu ka hoosayso shan sano jir ayaa xilligan maraysa meel sarraysa, taas oo weliba la filayo inay kor u sii kacdo.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 13 caruur iyo waayeel isugu jira, taas oo ay suuro gal tahay in tiradaasi kor u kacdo haddii aan tallaabo la qaadin.

Hay’adahan ayaa ku baaqayn in tallaabo deg deg ah la qaado sida uu sheegayo Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee hay’adda World Vision François Batalingaya:  “Waxaan u baahanahay inaan dhug u yeelano digniinaha soo baxaya, isla markaana aan wax ugu qabano si degdeg ah dadka gacanta u baahan ee ku nool Somaliland.” Ayuu yidhi.

Xaaladda biyo yaraaneed iyo abaaraha jira ayaa keenay in 35 illaa 40% ay waayeen xoolohoodii oo isugu jira geel, riyo, ido iyo lo’ba. Waxaana macluumaadkan laga soo xigtay xog ururin lagu sameeyey xaaladda xilligan jirta oo ay sameeyeen Guddida Gurmadka Abaaraha oo ay magcawday Somaliland oo wadashaqayn la samaynaya Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC iyo Xafiiska isku xidhka gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adaha samafalka ayaa ka cabsi qaba in xaaladdu u sii gudbi karto masiibo bini’aadanimo, taas oo horseedi karta waxyeello kale iyo weliba in dad badani u barakacaan.

Madaxa hay’adda badbaadada caruurta ee Soomaaliya Xasan Nuur ayaa isagu sheegay “Kaalmada illaa hadda la qaybiyey ma dabooli karto baahida jirta. Waxaana bulshooyinkani u baahan yihiin kaalmo degdeg ah si looga hortago in dhimasho kale ay timaaddo” ayuu yidhi Xasan Nuur, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey “arrintani waxay muhiimad gaar ah ugu fadhidaa kumanaan haween, caruur iyo dadka taagta daran ah oo kuwaas oo abaartu ay aad u taabatay” ayuu yidhi.

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Dawladaha iyo weliba hay’ada samafalka inay ugu deeqaan cunto, biyo iyo adeegyada caafimaadka si loo gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Illaa hadda xukuumadda Somaliland waxay ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen oo gaadhaya illaa 40,000 oo qoys lacag gaadhaysa $150,000 taas oo kafayn karta oo keliya illaa 3,200 oo qoys oo ka mida dadka gargaarka u baahan.

Xigasho VOA