13 ciidamada Maraykanka ah oo lagu dilay Afghanistan

Kabul, (SLpost)- Saddex iyo toban ka mid ah ciidamada Maraykanka ee ka tirsan hawl-gallada NATO ka waddo dalka Afgaanistaan ayaa lagu dilay qarax bambaano magaalada Kabul ka dib markii kolonyo baabuur ah oo ay wateen lala beegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ayaa sheegay in Qaraxan galaaftay askarta Maraykanka ah uu yimi wakhti kolonyo baabuur ah oo ay leeyihiin ay marayeen duleedka magaalada Kabul, kaas oo waxyeello gaadhsiiyey ciidamada NATO iyo dad shacab ah oo goobta ku dhawaa.

Weerarkan oo dhacay maanta oo Sabti ah waxa masuuliyaddiisa sheegtay Ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalkas Afghanistan, waxaana sidoo kale uu galaaftay afar qof oo mid ka mid ahi yahay ciidamada nabadgelyada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalka Afghanistan.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net