Salaadiinta Beesha Muuse Abokor (Arab) oo Sheegay inay Xukuumadda Taagersanyihiin, Shacabkana ugu Baaqay Inay nabadgelyadooda ilaashadaan

Hargeysa (SLpost)- Caaqilada iyo waxgaradka Beesha Muuse Abokor ee Arab Ayaa Sheegay in Xukumada Somaliland ay Taageersan yihiin, wax kale oo ay sheegen in ay Ilaalinayaan Danaha Dalka iyo Dadka reer Somaliland.

Cuqaashan ayaa wax kale oo ay Hoosta ka Xariqeen in loo bahan yahay in La wada ilaashado Nabadgelayada dalka ka tisqaaday, iyaga oo sheegay in wixii nabad gelayada wax u dhimayan dhinca looga soo wada jeesto.

cuqaalSalaadiintan ayaa manta shirjarai’id ku qabtay hotel Xaraf ee magalada Hargeysa, waxana salaadiinta ka mid ahaa Cheif Caaqil Baashe Cismaan Yusuf , Caaqil Axmed Xasan, Caaqil xuseen farax Jaamac , Caqil Cabdi Khayre , Caaqil Cabdilaahi Jaamac .
Caaqil Cabdilaahi Jaamac oo ugu horeyan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Beesha Arab tahay beel sumcad ku leh beelaha Reer Somaliland. ”Nabad galyadu waa shay aad u qaali ah, haddii nabad la waayana Nololi Jirimayso, dadka aadduunka oo dhan ku nooli wax kali aha ee ay ilashadan wa nabad gelayada inaga reer Somaliland aahana wax laynooga bahan yahay in ay nabadeena ilaashano, Xukumada waxanu uu shegaynaa nabad gelyo ayaanu qadanay hadanu nahay beesha muuse Abokor ee Arab oo aanu matalno, Arabna waxanu ugu yeedhayna gogol iyo nabada Somaliland, qaranimada Somaliland ayaanu ugu yeedhaynaa ,qaranka Somaliland hiil iyo hoobanu lagarab tagan nahay ,reerka Arabna waxanu leenahay soo dhawada oo ku soo dhawada golaha nabada ee anu Hiidaha iyo dhaqanka uu lahayn.”Ayuu yidhi Caaqil Cabdilaahi.

Sido kale waxa iyaguna halkasi ka hadlay Chief Caaqil Baashe Cismaan Yuusuf iyo Caaqil Axmed Xasan waxayan ku dheeraden Nabad galaydu Faa’idada ay leedahay iyaga sheegay in Xukumada Somaliland taageersan yihiin, Hiil iyo Hoona la garabtagan yihiin.
Gabogabadii iyaguna wax halkaasi ka hadlay Caaqil Xuseen faarax Jaamac iyo Caaqil Cabdi Khayre waxayna si isku mid ah ula hadleen beeshooda in ay dhowraan waxkasta oo wax yeeli kara nabad galyada iyo sumcada Somaliland ay leedahay, waxayna soo jediyeen in ay hadii ay wax ka tabanayaan xukumada inlagu dhameeyo is afgarad.

C/wahaab guuleed

Somalilandpost
Hargaysa Office