12 sanno iyo dib u dhac doorasho oon waxba laga baran !

 

Qormadani waxay bilow u noqon dontaa  qoraalo koob kooban oo aynu dib ugu milicsan doono taariikhdii dhawayd ee Somaliland , Muranadii doorashooyinka  , sidii loo maareeyey , iyo sida aynaan waxba uga baran khalad walba oo dhacay 15kii sanno ee u dambeeyey  .

April 2003 Somaliland waxay ku guulaystay in ay qabsato doorashadii madaxtooyada taasi oo ahayd  markii u horeysay taariikhda Somaliland laga agaasimo tartan shacabku ku dooranayaan hogaanka  dalka ugu sareeya  Taasi  oo hal talaabo  u jirsiisay dhamaystirka nidaamka dimquradiyada .

Ka dib doorashadii madaxtooyada,  talaabada kaliya ee Somaliland uga hadhsanayd in ay dhamaystirto hanaanka dimquradiyadeed waxay ahayd in la helo gole sharci dajineed oo ku imaada codka shacabka , arintaasi oo noqotay bartilmaameedka kaliya ee shacabka iyo dawlada somalilandba leeyihiin  madama ay si xarago leh uga soo gudbeen  aftidii dastuurka , asaasitaanki hanaanka xisbiyada badan , doorashadii golaha degaanka  iyo doorashadii madaxtooyada .

Sidaasoy tahay Dadaalka ay somaliland ugu jirto in ay dhisto dimquraadiyad dhamaystiran waxa si  is-daba joog ah uga hor imanayeye  haliso  soo baxayeye labadii sano ee ku xigay doorashada madaxtooyda 2003, taasi oo ay ugu waynayd qabsoomida  Doorashada gollaha wakiilada oo markii hore ballantu ahayd in la qabto badhtamihii 2003dii oo dib loogu dhigay ilaa horaantii 2005  wallow wakhtigii doorashada la kordhiyay haddana may  cadayn  xalka rasmiga ah ee laga gudbayo  carqaladaha doorashada ka hor taagan  in ay wakhtigeeda ku qabsoonto

Carqaladaha ugu wawayn ee doorashada golaha wakiladu u qabsoomi wayday 2003dii waxay ahayd       1) dhamaystir la,aanta qanuunka doorashada 2) muranka saami qaybsiga kuraasta 3)tirakoob rasmi ah oo aan lagu hayn tiradada dadka ku nool gobolada Somaliland  iyo 4) diwaangalin codbixiyeyaal oo aan jirin . Dhamaantood oo isbiirsaday  waxay noqdeen caqabad  adag oo hor taala qabsoomida doorashada golaha wakiilada Somaliland .

Gudi hoosaadkii barlaamkii hore u xilsaaray  xal u helida qanuunka doorashadu  wax natiijo ah ma soo kordhin wakhtigii doorashada loo qoondeeyeyna  maalinba maalinta ka dambaysa waa isa soo tarayey.

August 2004 ayuu madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale  ku mudeeyey taariikhda doorashada golaha wakiiladu in ay noqoto  27 march 2005 mudadaas oo u muuqatay in ay ahayd mid ku filan xal u helida dhamaan caqabadaha jira , Hase yeeshee  gudomihii  golaha wakiilada ee wakhtigaasi  Axmed Aadan Qaybe (AHN) oo ay u muqatay  in golaha wakiiladu anay xal u heli Karin dhibatooyinka ku gadaaman ayaa waxa uu codsi u gudbiyey Akaadamiga Nabada iyo horumarinta  si ay uga caawiyaan  soo samaynta qaynuun doorasho oo lagu qanci karo ,  Nasiib wanaag  Akadmiyadu iyagoo ka faidaysanaya  lacago tageero ah oo ay ka heleen  safaarada ingiriiska ee itoobiya  waxa ay soo shukaamiyeen oo ay dalka  keeneen  khabiir ku takhasuusay  qorista qanuunka doorashooyinka  oo magaciisa la idhaa Rubin Zamora  una dhashay dalka Salvador . Zamora wuxuu dalka imid  Novermber 2004 waxaanu hore ka bilaabay hawsha qorista qanuunka doorashada barlamaanka  isaga oo la tashanaya dhinacyada ay khusayso arintaasi .

27 December 2004 ayuu Mr Zamora  qoraal qanuun dorasheed oo  hordhac ah u soo gudbiyey golaha wakiilada si ay u naaqishaan  Hasa yeeshee qoraal qanuuneedkaasi wuxuu markiiba isku rogay  furin dagaal waxaana ganafka ku dhuftay qaar ka mid ah  xildhibaanada golaha wakiilada  waxaanay hor seeday in goluhu laba garab u kale qaybsamo  taasoo sii kordhisay muranadii hore golaha uga aloosnaa.

Si kastoo xaal ahaadaba  January 2005 ayuu madaxwayne Daahir rayaale hadal ka jeediyey golaha wakiilada isagoo ku canaantay dib u dhaca qanuunka doorashada Iyo muranka golaha hadheeyey  Waxaanu ka codsaday in ay todobaad gudihii qanuunka doorashada ku soo ansixiyaan si  ay suurto gal u noqoto qabsoomida doorashada golaha wakiilada mudadii logu talo galay oo ahayd  27 march 2005.

Golaha wakiiladu iyaga oo ka jawaabaya codsigaas madaxwaynaha ayaa waxay ay ansixiyeen  qanuunkii doorashada iyaga oo raaciyey lifaaqyo  yaab iyo amakaag ku noqday dadwaynaha , xukumada iyo komishankii dorashooyinka  Lifaaqyadaasi waxay dhigayeen  in dhamaan dadka somaliland ku nool tirakoob rasmi ah lagu sameeyo  iyo in la qabto diwaangalinta codbixiyeyasha ka hor intaan  doorashada  baarlamaaka la qaban  arintaasi oo ka dhigaysay mid aan surto gal ahayn in doorashada lagu qabto taariikhdii loo balamay oo ahayd 27 march 2005 . Arintani waxay cirka ku sii shareertay xaaladii siyasadeed ee wakhtigaasi waxaanay  mugdi galisay rajadii ahayd in dorasho wakhtigeeda lagu qabto , dadwaynaha iyo warbaahinta ayaa aragtiyo kale duwan ka muujiyey go,aanka golalaha wakiilada  waxaana ku dhacday shaambad doorasho diid ah iyo in aanay rabin in ay kuraasta baneyaan , waxaana diirada la wada saaray  golaha guuritida iyo siday arintan u wajahaan.

wuxuu xaalku sidaas ahaadaba 5 febaury 2005 ayey golaha guurtidu si lama filaan ah iyaguna qalinka ugu dugeen oo ay ansixiyeen qanuunki  muranka dhaliyey ee golaha wakiladu u soo gudbiyeen ,  yaab iyo af kale qaad kale ayey  ku noqotay shacbigii arintani waxaanay  si rasmi ah u xaqiijisay in dooraasho anay dhici doonin wakhtigii loo qondeeyey

wakhtiga muranadaasi dhacayaan  waa bil ka hor mudadii ay ku dhamaanaysay 2dii sano ee loo kordhiyey golaha wakiilada , waa 2dii sano ee logu talo galay in  caqab walba lagu xaliyo , in caqabad xal laga gaadho iska dayee waxa abuurmay  boqolaal caqabadood oo kale waxaana si rasmi ah meesha uga baxday in doorasho  la qabto 27 march 2005  labaddii sanno ee loo kordhiyeyna waxay ku dhamadeen muran iyo is qabqabsi iyada oo aan hal xeer xitaa la ansixin

Aynu u soo noqono tan iyo maanta ee (2015) 12 sanno ka dib wali waxa ina hor taagan caqabdii 2003dii doorashada dib u dhigtay ,  2003 waxa cabanayey xildhibaanada ka soo jeeda beelaha darafyada , isla 12 sanno ka dibna cabashadii wali waa tagan tahay .  2003 waxa la lahaa tirakoob iyo diwan galin ma jirto  isla 12 sanno ka dib xaalku waa sidii cidna lama tiro kobin , cidna lama diwan galin  sow taas micnaheedu maaha 12 sanno oo khasaare ah ayeynu ka soo gudubnay !

Qormooyinka soo socda  waxaynu ku soo qaadan donaa , siduu ku abuurmay qaanunkii dorashadii 2005 lagu galay , kordhintii saddexaad ee golaha wakiilada ,  doorkii madaxwayne  daahir rayaale  iyo  ifafaalaha muuqda ee 2017 iyo 2005 ay isaga midka yihiiin.

 

 

La wadaag asxaabtaada !

 

 

Cabdicasiis cali cadaani