11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ee 2015 Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In Uu Wanaagsanaa (Q. 2 -iyo 3aad)

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu fiicnaa ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2015ka ay dunidu ku xasuusan doonto, gaar ahaan dhinaca horumarka.

3. Isticmaalka Internet ka: Sannadkan 2015ka waxaa kordhay tirade dadka Isticmaala Internet ka ee dunida oo dhan, sida ay tirokoobyadii ugu dambeeyey daahfureen tirada dadka isticmaala Internet ku waxa ay gaadhay 3.2 Bilyan oo qof, kuwaas oo Laba Bilyan oo ka mid ahi ay ku dhaqan yihiin dunida soo koraysa, halka ay tiradaasi sannadkii 2000 ahayd 300 oo Milyan oo keliya. Taas oo macnaheedu yahay in tirada dadka Internet ka isticmaalaa ay 15kii sano ee u dambeeyey labalaabantay 8 jeer.

4. Malaayiin dad ah oo cusub ayaa xisaabo bangi furtay: Sannadkan dunida waxaa xisaabo Bangi (Akoonno) furtay Malaayiin dad ah oo aan hore u lahayn, arrintan oo tirada dadka akoonnada bangi leh gaadhsiisay heerkii abid ugu sarraysay. Sida ay dadka arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda ku xeeldheeri sheegaan, in adeegga maaliyadeed uu dadka gaadho ayaa si aad ah loo aaminsan yahay in ay tahay mishiinka dhaqaajiya horumarka, gaar ahaan dalalka dakhligoodu hooseeyo.

5. Dhimashadii AIDS ka oo yaraatay: Waxaa sannadkii Shan iyo tobnaad si is-daba joog ah hoos ugu sii dhacaya dadka sannad kasta u dhinta sababta cudurka AIDS ka waxa aanay dhakhaatiirtu aaminsan yahay in maanta uu cudurkaasi yahay mid la daweyn karo ama lala tacaali karo, isla markaana laga hor tegi karo. Dadaal aad u dheer oo caalamiya kadib waxaa suurtogashay in ay bataan fursadaha lagu heli karo dawooyinka cudur-dilayaasha ah ee awoodda badan, taas oo sababtay in imika boqolkiiba 14 la daweyn karo dadka qaba cudurkan, halka ay sannadkii 2010ka ka ahayd rajada daweyntu boqolkiiba 7 keliya.

6. Dhimashada cudurka Duumada oo hoos u dhacday: Sannadkan dabayaaqada ah ee 2015 waxaa halkii abid ugu hoosaysay gaadhay celceliska tirade guud ahaan dunida ugu dhinta cudurka Duumada (Kaneecada/Malaariyada), tirokoobyadii ugu dambeeyey ayaa muujiyey in boqolkiiba 85 ay hoos u dhacday tiradii sannad kasta cudurkan ugu dhigam jirtay Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya, boqolkiiba 72 ay hoos u dhacday qaaradaha Ameerikada woqooyi iyo Koonfureed, boqolkiiba 65 hoos u dhacday gobolka Badweynta Hindiya, boqolkiiba 64 hoos u dhacday gobolka Bariga-Dhexe, halka Afrikana ay boqolkiiba 66 hoos u dhacday tirada dadka qaangaadhka ah ee u dhinta cudurka Duumada, carruurtana boqolkiiba 71 ay hoos u dhacday.

Marka si guud dunida oo dhan loo eegana tirada dadka sannadkii 2000 dunida ugu dhintay duumadu waxa ay ahayd 839 Kun, laakiin sannadkan 2015ka waxa ay hoos u soo gaadhay 438 Kun, taas oo macnaheedu yahay in 6.2 Milyan oo qof 15 sano ee u dambeeyey laga samato bixiyey cudurka Duumada

7. Cudurka Dabaysha Caruurta: Sannadkan waxaa abuurantay rajadii abid ugu weynayd ee laga qabo in gebi ahaanba dunida laga tirtiro cudurka dabaysha loo yaqaanno, waxaana markii ugu horreysay dhacday in tirada xaaladaha cudurkan ee carruurta ku dhacaysaa ay boqolkiiba 99 hoos u dhacdo. Bishii sagaalaad ee sannadkan galbanaya, ayaa ay haayadda caafimaadka adduunku ku dhawaaqday in cudurkani aanu khatar ku haynin dalka Nigeria lana filayo in uu gebi ahaanba dabar go’o sannadka 2017ka.

20158. Tirada gaajada dunida oo hoos u dhacday sannadkan: Tirada dadkii gaajada qaba ee dunida ayaa sannadkan aad uga yarayd tiradii lagu arki jiray dunida sannadihii hore. Tusaale ahaan intii u dhexeysay sannadihii 2012ka illaa 2014ka tirade dadka dunida ee cunto la’aantu haysay waxa ay ahayd qiyaastii 805 Milyan oo ruux, taas oo u dhiganta in Sagaalkii qof ee kasta ee dunida ku noolba uu mid ka mid ahi gaajoonayey, nasiib wanaag tiradaasi sannadkan waxa ay hoos u dhacday illaa 200 oo Milyan oo qof, waana halkii ugu hoosaysay ee ay gaadho muddo Rubuc Qarni ka badan.

9. Waxaa kordhay tirada dadka biyo nadiif ah hela: Sannadkan 2015ka waxaa kordhay dadka dunida ku dhaqan ee helaya biyo nadiif ah oo la cabbo, tirokoobyadii u dambeeyeyna waxa ay xaqiijinayaan in dadkii ka qataana biyaha nadiifta ah ay tiradoodu ka hoos martay 700 oo Milyan, taas oo ah markii ugu horreysay ee ay tiradu intaas gaadho tan iyo inta laga og yahay taariikhda dunida oo dhan. tirokoobyada caalamiga ah ee arrintan la xidhiidha ayaa muujinaya in tirada dadka dunida ee maanta biyo nadiif ah oo ay cabbaan helaa ay marayso 6.6 Bilyan oo ruux, taas oo macnaheedu noqonayo in boqolkiiba 91 dadka dunidan ku dhaqani ay helaan biyo nadiif u ah cabbis, halka ay tusaale ahaan sannadkii 1990kii ka ahayd tiradaasi boqolkiiba 76.

10. Waxaa mar kale sii yaraatay tirada dhimashada carruurta ka yar 5 san: Sannadkani waxa uu noqday sannadkii Saddex iyo Afartanaad ee ay si joogto ah hoos ugu sii dhacayso tirada carruurta ka yar 5 jirka ee sannad kasta dunida ku dhinta. Arrintan waxa ay khubaradu u tirinayaan horumar guud ahaan dunidu ka samaysay la dagaallanka cudurrada khatarta ku ahaa nolosha carruurta Shan jirka ka yar, waxaa ka mid ah Duumada, Qaaxda, Nafaqo yaraanta, Faytamiin A oo hoos u u dhaca iyo dawooyinka fiican ee lagula tacaalo cudurka AIDS ka, sidoo kale waxaa sannadkan sii wanaagsanaatay aqoonta iyo ku baraarugsanaanta daryeelka wanaagsan ee dadka bukaanka, waxaa yaraaday shubanka iyo caabuqa sambabada oo dhammaantood carruurta noloshooda galaafan jiray. Sannadka 2015ka ayaa uu is-dhinkii ugu weynaa ku yimid tirada dhimashada carruurtan, waxaana la qiyaasay in 19 kun ay sannadkan dhimashadu ka yar tahay 1990kii.

11. Dadaalkii la dagaallanka is-beddelka cimilada oo meel fiican laga gaadhay: Sannadkan waxaa dunida kadhacay saddex arrimood oo muhiim ah oo la xidhiidha siyaasadda la dagaallanka isbeddelka taban ee cimilada adduunka ku yimid. Marka koowaad, sannadkan 2015kii waxa uu ka kululaa sannadihii hore oo dhan, taas macnaheeduna waa in heer-kulka dunida uu hal darajo kor u kacay, waana markii ugu horreysay ee intaas in le’eg uu kor u kaco, tan iyo kacaankii warshadaha, taasina waxa ay burinaysa doodda dadkii ku andacoon jiray in cimilada adduunka uu is beddel tabani ku yimid, arrintaas oo dhibta ay leedahay uu barbar socdo wanaag ah in dunidu ku wada qanacdo dhibta isbeddelka cimilada ee jira, si xooggan si midaysan loogu raadiyo.

Xigasho Geeska Afrika