100 arimood oo kuu suurta galinaya in ganacsigaagu guuleysto (Kaga dayo Dahabshiil Group) – W?Q: Jibriil Mohamed Hassan – Q.1aad

Mawduucan oo ah mid aad u balaadhan waxan ku faaqidi doonaa dhinaca dhaqaalaha oo ah badweyn aan gunteeda la gaadhi karin. waxaan idinku soo koobi doonaa aragti-shinbireed ama in kooban, inta aanan u gunda dagin mawduuca aan idhaahdo ( Waan afeefanayaa eedi hayga hadhee ) akhriste maqaalkan yaanu kuula muuqan mid ku tacaluqa  dano qarsoon  ama gaara akhri oo ka qaado inta kaa khusaysa, nuqul kooban oo kamida buuga HADAFKA NOLOSHA kaso dhawaan soo bixi doona.

Shantii sano ee u danbeysay waxan u kuur galayay xaalada kobaca dhaqaale ee  dalka gaar ahaan shirkadaha ugu waaweyn dalka anigoo ka eegaya dhinacyo badan, waxan mar walba is weydiinayay sababta shirkado badani ku musalifaan kuwo kalena ku horumaraan waliba si dhakhso ah, waxan bilaabay baadhis qoto-dheer oo aan ku sameeyay shirkadaha ugu caansan dalka, waxan  u kuur galay xaalada hab dhaqan dhaqaale ee shirkadaha dalka qaarkood waxan macaamilo toosa la sameeyay  10 kamida company yada  ugu baalaadhan dalka kuwaasoy kamid yihiin shirkada xawaalada casrigaa Dahabshiil Group, Salaam financial service, CAC Remitance, Telesom,  Somtel 3G, Qaran express,  African ariweys, Asal printing, Alnuur furniture, Daryeel conistruction company, National fuel station, Alla aamin pharmacy iyo qaarkaloon badan.

mudadaasi aan la macaamilayay shirkadahaasi waxan qiimayn ku sameynayay dhinacyo badan sida adeega ay bixinayaan la dhaqanka macaamiisha kobaca dhaqaale suuq gaynta shaqo-abuurka hirgalinta mashaariicda horumarineed, maalgalinta ay dalka ka sameynayaan iyo doorkooda wax bixineed, runtii waxa aad iisoo jiitay qaab hawleedka shirkada xawaalada Dahabshiil kadib markii aan kalakulmay adeeg hufan, degdegsiimo, raaligalin, qiimo macquula, waxan la macaamilay in kabadan 37 isugu jira madaxda sare sare ee Dahabshiil group, kaashiyeero, xoghayayaal kala duwan, marketing deperment, ilaada gaarka ee shirkada, adeega ay bixinayaan waxa ka qiimo badan hab dhaqankooda oo aad kusoo jiidanaya taasi waxay igu dhalisay inaan marar badan booqdo ama ku noqnoqdo xarumaha shirkada Dahabshiil ku leedahay Hargeysa, dareenkaasi ma ah mid aniga ii gaara balse waxa dhamaan ila wadaaga bulsho weynta reer Somaliland oo 80 % si toosa macaamil joogtaa uala leh dadka intuu ALLE weyne guntiga u galiyay maal hayaraato ama ha badnaato  waxay akoono ka samaysteen Dahabshii, dadka inta wax isu ah ehelo qaraabo qoys asxaab hay’adaha caalamigaa iyo kuwa maxaligaa jaamacadaha dalka shirkadaha ganacsi gudo iyo dibadba kii wax diraya amaba loosoo diro waxa uu beegsadaa Dahabshiil, akhriste hadaba sow ma haboon inaad maankaaga la kaashato sababta dadkoo dhami saqiir iyo kabiir faqiir iyo taajir rag iyo dumar  iyo ajaanib kaleba shilinkooda ula beegsadaan xarumaha faraha badan ee ku kala yaala dhamaan dacalda dunida ee shirkada Dahabshiil group?!!!Runtii way ila haboonaan weyday inaan indhaha ka qarsado  dareenka soo jiitay indhaha iyo quluubta aadamaha dhamaan waana sababta keentay inaan wax ka ogaado horumarka laxaadka le ee shirkadu ku taalaabsatay gudo iyo dibadba, anigoo u kuur galaya sababaha guushaasi balaadhani ku hanatay shirkada Dahabshiil group ayaan akoon ka furtay Dahabshiil si aan waxa uga ogaado khibradna uga kororsado qaab howleedka shirkada Dahabshiil maadaama aan hiigsanyo halka ay maanta marayso sumcad ahaan iyo hodontinimo labadaba, marka aan sidaasi leeyahay waxan maanka ku hayaa ama aan aamin sanahay in guushu la jirto qof walba oo si qoto dheer uga fikira sidii uu u guulaysan lahaa halgan adagna u gala waayo  ma jiro qof kusoo dhashay qaninimo ama taajir balse waxaa wax lagu helaa dadaal iyo shaqo badan, hadaba qof walba oo hiigsanaya qaninimo sidayda oo kale waxa looga baahan yahay inuu casharo ka bart  mulkiilaha shirkada Dahabshiil mudane Maxamed Siciid Ducaale iyo Maamulaha Guud ee Dahabshiil mr Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ah hogaamiye khibrad sare u leh adeega lacagaha, waxyaalaha  maanta dunida  loo halgamayo waa sidii dhaqaale, magaciyo sharaf loo helilahaa, waxaana dhab ahaan intaas oo dhan lagu gaadhi karaa hogaansanaanta ALLAAH iyo dadaal dheeriya, shaki kuma jiro in ganacsigaagu guulaysanyo hadii aad la timaado 100 ka arimood ee ay ku horumartay shirkada Dahabshiil waana dariiqa qudha ee aad ku gaadhi karto yoolkaaga ama riyadaada ganacsi ama heerka aad doonayso inuu ganacsigaagu gaadho,  dadka ku horumaray hogaaminta shirkaddaha ganacsiga waxa ay sheegaan qaninimadu inay ka bilaabanto maskax fayow iyo hadaf fiican iyo qorshe nidaamsan si qofku u gaadho halka uu hiigsanyo.

guul darada ganacsi waxay dadka qaar ku keentaa niyad jab weyn, fashilka ku yimaada shirkad ama qof waxa uu keenaa in ay dadka maamulka shirkadaasi ka ahi ka shalaayaan islamarkaana go’aansadaan inaanay waligood mardanbe bilaabin ganacsi laakiin khubarada ganacsigu waxa ay tilmaameen fashilka ku yimaada ganacsi ama qof uu yahay macalin ku baraya sidii aad u guulaysan lahayd waana macalinkii ku bari lahaa sidii aad wax u hagaajin lahayd, sideedaba  guusha ganacsi waxa ay ku timaadaa si tartiib tartiib ah taasoo macanaheedu yahay  go’aankaagii ood gaadhay ama dhamaystirmaytaasina waxa ay ku xidhan tahay hadba aqoontaada ganacsi iyo xeelada aad isticmaasho, xaqiijinta gaadhista ahdaafta wanaagsan ama ganacsi waxa lagama maarmaan u ah arimodhowra kuwaasoo hadii aad la timaado si fudud uga mid noqon kartodadka ganacsigoodu guulaystay sida shirkada caalamigaa ee Dahabshiil group sababta aan tusaale ugusoo qaatay Dahabshiil waxan uga golleeyahay inaad ictiqaado in guusha ganacsi aanay ku xidhnayn uun shirkadaha ajaanibkaa iyo waliba si aad aragti dheer iyo si dhakhso ah u gaadhi karto guul ganacsi ama tu kaleba, lacag in la helaa maanta adduunkan ma adka laakiin waxa ay ku adag tahay qofkii isku adkeeya  waxan shaki ku jirin qof waliba oo leh himilo fog iyo hami guulamaba ay jirto horumar kale oo uu hiigsanayo amaba  ku riyoonayo  uu gaadhi karo intay doonto ha qaadatee.

Guul daradu waa talaabada ugu horaysa ee loo qaado dhinaca guusha, guul darada ugu weyni waxa weeyemarka  qofku culays dareemo is dhiiba sidaa daradeed hadii aad doonayso inaad samayso ganacsi weyn oo sida Dahabshiil oo kale ah waa inaad u diyaar garwodaa caqabado iyo khaladaad farabadan,waa in aad maskaxda ku haysaa howl badani inay ko hortaalo taasina waxa ay ku xidhan tahay kolba sida aad u xaliso mushaakilka ganacsi ee kusoo food saara, guul darada ama khaladaadku waa qayb ka mid ah nolosha bani aadamka waxana lagaaga baahan yahay inaad marwalba niyada galiso inaad maruun ka gudbi doonto dhibaato walba oo kulasoo darista, tusaale ilmaha yari marku uu socod baranayo waa uu kufaa kacaa aakhirka waa uu dhaqaaqaa kacaakufku waa barashada socodka hadaba waxa muhim ah in aanad niyad jabin si aad u gaadho hadafkaaga iyo himilada fog eed  leedahay waa in aad noqotaa qof sugan oon isbedbedel lahayn  samir badan oo toosan waana inaad ogaataain samirka lagaga gudbo xaalado badan oo adag laguna gaadho guusha aad hiigsanayso.

Hadaba sidee ayaad cagta u saari kartaa dariiqa guusha ganacsi ama shirkaddeed? Si aanu su’aasha uga jawaabno  waxaanu u baahan nahay in aanu  wax ka soo qaadano taariikhda mid kamida dadka ganacsigoodu guuleystay gaadhayna ilaa heer caalami waa mulkiilaha shirkada caalamigaa ee Dahabshiil Group Mudane Maxamed Siciid Ducaale iyo maareeyaha guud ee shirkadda Cabdirashiil Maxamed Siciid oo ah dadkii inooga horeeyay dariiqaa guusha ganacsi ee ka tisqaaday dunida seddexaad ee  ku guulaystay in ganacsigoodu uu hore u maro,Shirkaada caalamigaa ee Dahabshiil Group waxa ay ka mid tahay shirkadaha hormuudka ka ah ganasciga geeska afrika gaara ahaan dhulka soomaalidu degto, waxan marnaba indhaha laga qarsan karin lana dafiri karin oo waliba sida dayaxa u cad kaalinta wax-ku-ool ama wax qabad ee shirkada xawaalada caalamiga ah Dahabshiil kaga jirto geedi-socod horumarka Somaliland, sidoo kale waxa xusid mudan adeegyada hufan ee ay bulshada mar walba diyaarka ula tahay, amaanta iyo bogaadinta loo hayo shirkada Dahabshiil Group runtii waa mid dhegahaaga kusoo dhacaysa marwalba iyo meel walba guud ahaan Somaliland gaara ahaan Hargeysa, weedhaha dhegahayga kusoo dhacay ee lagag faaloonayo Dahabshiil waxa kamid ah “ Runtii anigu waxaan ka mid ahay dadka mar walba abaalka iyo amaanta u haya.” Tibaaxahaasi waxa ay ka mid ahaayeen weedho uu soo tebinayey mid ka mid ah dadka sida weyn u taageera dadaalada wax-qabad ee inta badan shirkada Dahabshiil u soo gudbiso bulsho-weynta reer Somaliland  waxaanu ka mid ahaa macaamiisha sharaftale ee shirkada Dahabshiil magaalada Hargaysa, waxa iska caadiya inaad maqasho halku dhegyo ku tacaluqa horumarka iyo haybada qoyska reer Maxamed Siciid Ducaale iyo shirkadooda Dahabshiil, sumcada iyo kolsoonida loo hayo waxa ay gaadhay heer aad u saraysa bulshada dhexdeeda taasi waxa kuu cadaynaya curashada maahmaahyo cajiiba oo Ka tarjumaya baaxada iyo awooda dhaqaale ee shirkadaasi, hadii aan soo qaato mid kamida maahmaahyada dhawan dhaladkaa ee bulshadu sida joogtada ah u adeegsato waxa kamida ( dadaalaa Dahabshiil waa gaadhaa ) marka si xaqiiqo ah loo eego nuxurka ay ka turjumayso maahmaahdaasi  ka hanaqaaday bulshada dhexdeeda waxaa marag-ma-doonto ah in shirkada dahabshiil kaalin aan la qiyaasi karin kaga jirto soo-yaalkii horumarka Somaliland, waxa hada muuqato soo if baxa  dadaalo kale oo ku waajahan xaqiijinta yoolalka ku astaysan dadaalada horumarinta dalka uguna horeyso hirgalinta mashaariic warshadeed oo  shaqo-abuuris loogu talagalay kaasoy ka faaidaysan doonaan kumaan kum qofsi loo dhiiri galiyo ganacsatada dalka islamarkaana loo yareeyo shaqa la’aanta iyo dhaqaale xumada dalka ka jirta waxa kaloo looga golleeyahay ka faaidaysiga kheyraadka dihin ee dalku leeyahay iyadoo laga hortagayo in kheyraadka dalku gacanta u galo maalqabeeno shisheeyeayay shirkada Dahabshiil go’aansatay inay dalka ka hirgaliso mashaariic warshadeed iyadoo isticmaalaysa nidaamka saamilayda ayay ganacsatada waaweyn ee dalka usoo bandhigtay mashruucii abid ugu balaadhnaa Somaliland kaasoy ku kici doonto malaayin dollar, mashruuca dib u kicinta warshada sibidhka ee Berbera waa kii labaad ee ay shirkadu ka bilowday Somalilandwaana fikrad ku dhisan kobac dhaqaale iyo horumar bulsho, waxa marag ma doonto ah in shirkadaha kale ee dalku ay u wada xusul-duuban yihiin hanashada ujeedooyinka ku salaysan macaash-doonka iyo kala horoshada bulshada hasayeeshee waxa jira arrimo ay kaga duwan tahay shirkada Dahabshiil waana tan ka dhigtay in bulsho-weynta Somaliland ehel la noqotoislamarkaana aaminaan kuna dhiradaan inay lacagtoodii barkinta hoosteeda taalay ee dayacnayd usoo wareejiyaan akoono bilaasha oo ay ka furteen laamaha kala duwan ee Dahabshiil.

LA SOCO……..