10 Xoggood oo Sannadkan Laga soo Saaray Cudurka HIV/AIDS

 

Cudurka HIV/AIDS waxa uu ka mid noqday waxyaabaha loolanka lagula jiro ee caafimaadka adduunka caqabad ku noqday, gaar ahaan dalalka dakhligoodu aadka u hooseeyo ayuu saamaynta ugu weyn ku keenay sida ay muujiyaan baadhitaannada sannad kasta la sameeyo.

Sannadkan haweenka dhallinyarada ah ee ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika ayaa uu aad u haleelay.

Xuska maalinta AIDS oo la qabtay sannad kasta December kowdeeda, ayaa hal-ku-dhig looga dhigi doona in dadku ku midoobaan la dagaalanka fayraska HIV oo la ogaaday sannadkii 1984kii si taageero loogu muujiyo dadka la nool cudurka HIV.

Dalalka Qaramada Midoobay ubnaha ka ah ayaa bishii September isku raacay in la dejiyo ajendeyaal cusub oo adduunku ka midaysan yahay oo lagaga hortagaayo cudurka AIDS oo la doonaayo in 2030-ka la soo gebagebeeyo.

Haddaba, halkan ka eeg xaqiiqooyin cusub oo AIDS ku saabsan oo sannadkan 2015ka xog ahaan ay ku ogaadeen hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Hay’adaha Carruurta UNICEf iyo UNAIDS.

  1. Guud ahaan adduunka 36.9 milyan oo qof ayaa la nool HIV, kuwaasoo ay ku jiraan 2.6 milyan carruur ah.
  2. Qiyaas ahaan 2 milyan oo qof ayaa qaada HIV sannadkii 2014-ka
  3. Qiyaastii 34 milyan oo qof ayaa u dhintay HIV amma AIDS, kuwaasoo ay ku jiraan 1.2 milyan qof oo 2014 u dhintay.
  4. Tirada ubad ah ee AIDS haleelay waxa ay is sadde xjibaartay 15 sanno ee u dambeeyey
  5. AIDS waxa loo aqoonsaday inuu yahay cudurka koowaad ee sababa dhimashada carruurta Afrika. Sidoo kale waa cudurka labaad ee sababa dhimashada carruurta adduunka.
  6. Waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya waxa ay noqdeen meelaha ugu badan ee xannuunkan smeeyey, gaar waxa uu ku badan yahay hablah. 10 hablood 7 ka mid, gaar ahaan 15 ilaa 19 jirka waxa ay qadaan xannuunkan.
  7. Bilawgii 2015ka waxa daawada xannuunkan helay 15 milyan oo qof, marka la bar bardhigo 1 milyan oo sannadkii 2001 helay.
  8. Marka laga yimaado fiditaanka HIV, qiyaastii 51% ka mid ah dadka uu haleelyo ayaa og inuu HIV hayo.
  9. Sida lagu ogaaday ka jawaabista HIV ee adduunka waxa uu xannuunkan ka badbaadiyey 30 milyan oo qaadi lahaa, marka laga reebo ku dhawaad 8 milyan oo u geeriyooday sannadkii 2000.
  10. Sannadkan 2015ka dalka Kuuba (Cuba) waxa uu noqday waddankii ugu horreeyey eek u dhawaaqa inuu cidhib-tiray hooyada uurka leh in ay u gudbiso ilmaha caloosheeda ku jira fayraska HIV.